Koox Diimeed Ictisaam Oo Ku Kala Qeybsamay Taageerida Farmaajo

Somalia news

Waxaa 2-dii cisho ee ugu dambeysay ka socday magalaada Muqadisho kulamo wada tashi ah oo ay lahaayeen qaar kamida (Madaxya-buurta) hogaanka Sare ee Urur diimeedka Ictisaam. Kulankaan oo ka dhacay degaan ka tirsan xaafada Buulo Xuubeey ee degmada Wadajir, waxaana sidoo kale khadka taleefanka kaga soo qayb-galay Madaxda Ururka qaarkood oo ku kala sugnaa qaar ka mid ah Magaalooyinka, Nairobi, Garoowe, Burco iyo Magalaada Jiddah….

Sida ay xaqiijiyeen ilo wareedkaan kulanka ayaa wuxuu daba-socday kulamo horay uga dhacay magaalooyinka Garowe iyo Nairobi kuwaasoo looga arinsanayay in urur diimeedka Ictisaam ay ku taageeraan Tartanka Madaxtinimada Somalia oo dhowaan la filaayo in doorsho loo qabto.

Hogaanka Ururka ayaa horay si buuxda u taageeray Maamulka Farmaajo, iyagoo ku bedeshay dhaqaale iyo sameeyn ku yeeshasn Qeybaha Awqaafta, Xajka iyo tiro Qandaraasyo ah uu u balanqaaday Mr.Farmaajo, sidoo kale Mr.Fahad Yasin ayaa mushaar joogta ah horay u qoray Hogaanka Ururka halka qaar kamida Xubnaha ururka ay haatan ka tirsan yihiin laamaha kala duwan ee Dowladda Fedaraalka.

Qaar kamida Ururka ayaa in mudo ah waxa rajo uga jirtay inay helaan musharax ku abtirsada urur diimeedka Ictisaam, kaasoo taageero buuxda ka heysta Taageerayaasha Ururka. Mid kamida Xubnaha u ololeeynaya inay helaan taageerada Urur Diimeedka Ictismaad ayaa ah Musharxa Dahir Maxamuud Geelle oo mudo ka badan 30 sano xubin buuxda oo firfircoon ka ahaa ururka, Musharaxa Dahir Geelle waxa dhaqaalhiisa ku baxa ololihiisa qayb ka mida bixiya Xubno dibad joog ah, waxeyna soo jeediyeen iney taageeraan inkastoo lagu kala qeybsamay.

Inkastoo aan la helin xog sugan ee la xirirta natiijada rasmiga ah ee ka soo baxday kulankii urur diimeedka Ictisaam, hadana warar hor dhac ah ayaa sheegaya in Hogaanka ururka ayaa u ku kala jabay qaar taageersan Farmaajo iyo kuwa diidan waxeyna rumeysan yihiin in Mr.Farmaajo Uu Fashilmay, isla markaasna ay ku taliyeen in la taageero Musharax kale oo ka soo jeedo ururka si qadiyadda iyo hadafka ururka loo taabagaliyo.

78920cookie-checkKoox Diimeed Ictisaam Oo Ku Kala Qeybsamay Taageerida Farmaajo