Garabyo Maleeshiyaadka Shababka Ka Tirsan oo Dagaal ka dhex Qarxay & Sababta…

Domestic News Security Somalia news

Faahfaahino ayaa laga helayaa Garabyo ka tirsan Maleeshiyaadka kooxda Argagixisada Shababka ayaa Iska horimaad xoogan ku dhaxmaray qeybo ka mid ah Degaanka Masjid Cali Gaduud ee Gobolka Shabeelaha Dhexe, sida ay sheegeen ilo Degaanka ah oo loo qaateen ah…

Wararka ayaa sheegaya in dirirtaan inay ku lug lahaayeen Maleeshiyaad kala taageersan laba Horjooge oo ka tirsan kooxda Argagixisada kuwaasoo lagu kala magacaabo Cabdillaahi Cali Caraay iyo Suleymaan, waxaana ay cirka isku sii shareerayso xiisadda ka dhalatay hawlgalkii fashilmay iyo khasaarihii ka dhashay ee ka dhacay agagaarka Degaanka Wargaadhi.

Wararka ayaa sheegaya in Horjooge Suleymasn oo xiriir dhow la leh Horjooge Kabakutukade ayaa ku eedeeyay Horjooge Cabdullahi Caraay in Maleeshiyaadkiisu uga baxeen aaga dagaalka taasoo dhalisay iney khasaare xoogan soo gaaraan, iyadoo Xaalada Masaajid Cali Gaduud ayaa ah mid kacsan, Maleeshiyaadka labada garab ay ku sugan yihiin gudaha iyo daafaha magaalada.

Ma ahan markii ugu horeysay oo uu gacan ka hadal ka dhex qarxo Maleeshiyaadka kooxda, horay sidaan oo kale u soo maray dagaalo dhexdooda ah, gaar ahaan kadib markii ay fashilmeen qorshayaadhooda guracan ama khilaaf dhanka hogaanka ah.

370150cookie-checkGarabyo Maleeshiyaadka Shababka Ka Tirsan oo Dagaal ka dhex Qarxay & Sababta…

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *