Dagaal Beeleed Khasaaro Geystay oo ka dhacay Degaano hoos taga G/Galgaduud

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal Beeleed ka dhacay degaano Bariga ka xiga Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud kaasoo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, iyadoo aysan jirin Dadaalo lagu qaboojinaayo dhanka Maamulka & Odayaasha Dhaqanka…

Wararka sheegay in dagaalkaan ayaa waxaa la sheegay inuu daba socdo dagaal shalay Gelinkii dambe ka dhacay isla degaannadaas, waxaana goobjoogayaal ay sheegayaan in  dagaalka uu Maanta ka dhacay degaannada Ilix, Galqoryaale iyo Ceel Barafaange.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalkaan uu salka ku haayo isku qabsiga dhul daaqsimeed halkaas kuyaalla maadaama dhowaan ay curteen roobabka Sannadkan, Waxaa jira khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo ka dhashay dagaalka, kuwaas oo kala gaaray dhinacyada dagaalamay.

Laamaha Amniga Galmudug iyo Maamulka degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaan weli ka hadlin dagaalka, hase yeeshee inta badan degaannada Galmudug ayaa waxaa kusoo batay sanadihii la soo dhaafay colaad Beeleedyada.

247640cookie-checkDagaal Beeleed Khasaaro Geystay oo ka dhacay Degaano hoos taga G/Galgaduud