Share the post "Qaxootiga Cadaanka ee Afrikaanarka oo Laga Dejiyay Dalka Mareykanka.."
Maamulka Trump ayaa ka dejiyay Dalka Mareykanka kooxii ugu horeeysay ee Qaxootiga Cadaanka Afrikaanarka ahaa ee laga keenay Dalka Konfur Africa, kuwaasoo la siiyo magangeliyo qaxootinimo kadib markii dhulalkii & Beerihii ay xooga ku heysteen laga xukumay…
Kooxdaan oo tiradoodu dhameyd 59-Qof oo Cadaan ah isuguna jiray Haween Caruur iyo Carkowyo (Waayeel), waxaana laga dejiyay Garoonka diyaaradaha ee Washington Dulles ee Virginia, waxaana soo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Trump, iyagoo sheegay iney Dadka Cadaanka ah ee ka soo cararaaya Dalka South Africa ay mudan yihiin in la soo dhaweeyo.
Tagitaanka Kooxdaan ayaa muran iyo khilaat xoogan ka dhex abuuray Dowladaha South Africa iyo USA, iyadoo Madaxweyne Cyril Ramaphosa uu sheegay in Dadkaasi aysan u qalmin qaxooti maadama aan lagu dhibaateyn Dalka South Africa, balse ay ganafka ku dhufteen Isbedelada lagu sameynaayo arrimaha Dhulalka ee Konfur Africa iyo sidii cadaalad looga dhex dhalin lahaa lahaanshaha Dhulalka oo weli aad ay u heystaan Dadka Cadaanka ah ee tirada yar.