Dagaal ayaa Mar kale dib Uga Qaraxay degaano ku dhow Degmada Laas caanood..

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal dib uga qarxay degaanada Bariga iyo Aaga Maraaga dalgaalkaan ayaa la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana la sheegay inuu muddo saacado ah socdo, kaasoo dhaliyay Khasaare isugu jira Dhimasho iyo Dhaawacyo dhinacyadaan soo kala gaaray…

Wararka ayaa intaasi raaciyay in Dagaalkan oo u dhaxeeya Xoogaga Degaanka iyo kuwa Somaliland uu sababay khasaare culus oo kala gaaray laba dhinac, iyadoo mararka qaar la maqlayo madaafiic culus, “Waxaa saaka dhawr jiho oo kala ah galbeedka, bariga iyo aagga Maraaga weerarro gardarro ah kaga soo qaaday magaalada Laascaanood malayshiyada soo duushay ee maamulka Somaliland, iyadoo ay Xoogagga Difaaca Shacabka SSC-Khaatumo iska difaaceen weerarradaas, sidoo kale na jab weyn u gaysteen malayshiyada soo duushay ee Somaliland” Ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay SSC-Khaatumo.

Halka Muuse Biixi ayaa sheegay inuusan joogsan doonin dagaalka, oo ay iska difaaci doonto Somaliland wuxuu ugu yeeray Argagixiso soo duushay, lana sugayo xaduudihii Gumeystaha, wuxuuna ku eedeeyay Saraakiil uu kamid yahay Gen.Morgan iney qeyb ka yihiin dagaalka.

Xaalada magaalada Laascaanood ayaa wali ah mid kacsan inkastoo iusan u dhoweyn dagaalka, majiro wax xal ah oo wali laga gaaray dagaalkan oo dhowr bilood socda, iyadoo lagu guul dareystay dadaalo ilaa heer caalami ah oo xal loogu baadi goobayay colaadan.

256500cookie-checkDagaal ayaa Mar kale dib Uga Qaraxay degaano ku dhow Degmada Laas caanood..