Hogaanka Fashilka ah ee Villa Somalia Oo Dhibco Siyaasadeed ka Raadinaaya Isku Bedelka aan Natiijada Dhalin ee Hogaanka NISA..

Domestic News Security Somalia news

Xuuraano loo qaateen ah ayaa xaqiijinaaya in Hogaanka Fashilka ah ee Villa Somalia ayaa Dhibco Siyaasadeed iyo nafis ka raadinaaya Isku Bedelka aan Natiijada Dhalin ee Hogaanka NISA, iyadoo lagu wado in Horjoogihii hore ee Hey’ada NISA lagu wado in dib loogu magacaabo Hogaanka Hey’adda…

Howlwadeenka shaqada laga qaadayo Cabdullaahi Sambalooshe ayaa loo wadaa in loo magacaabo Hogaanka Socdaalka, iyadoo la filayo magacaabistiisa labada shaqsi maanta lagu wado in lagu ansixiyo Kulanka Golaha Wasiirada, waxeyna Labada Howlwadeen labadii maalmood ee ina dhaaftay kulamo wadajir ah oo saacado qaatay la yeesheen Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha si gaar gaar ah taasoo loo fasirtay in la isu laab-xaarayo labada nin, loona diyaar garoobayo  kala wareegooda.

Hogaanka Fashilmay ee Villa Somalia ayaa ku wargeliyay laba toddobaad ka hor Mr.Sanbaloolshe inuu xilka banaynayo taasoo uu u arkay in sumcaddiisa siyaasadeed lagu kala dhantaalayo maadaama ninka lagu beddelayo uu yahay qofkii hore loogu beddelay, bedelkaana ay muujinayso in shaqada ninkii ka horreeyay loo darsaday.

Xasan Sheekh ayaa taniyo markii la doortay, oo ay 3-sano fashil ah u buuxsmaysaa Maanta 15ka May, wuxuu beddelay Taliyeyaasha Ciidanka Xoogga Dalka, Boliiska, Asluubta iyo Nabadsugidda, wuxuuna haddii uu Mahad Salaad magacaabo, saddex kamid ah afarta talis kusoo celiyay isla Taliyeyaashii uu hore uga qaaday.

Khubarada ku xeel dheer arrimaha Siyaasada Dalka ayaa farta ku goday in in ajandaha Hogaanka fashilmay ee Villa Somalia ee Amniga iyo Difaaca Qaranka uusan ahayn mid fadhiya oo uu go’aamada ku qaadanayo hannaan ku saleysan saaxiibtinnimo iyo dano kooban, kamana marna in boosaska qaar uu u beddelayo cadaadisyo siyaasadeed oo ka yimid Beesha Caalamka iyo kooxo siyaasadeedkiisa Midowga UPD inkastoo uu haatan ka guuray wuxuu ka tagay Xisbigii Daljir ee Xasan Macallin oo waayahasn dambe xiriirkoodu aad u hooseeyay.

372650cookie-checkHogaanka Fashilka ah ee Villa Somalia Oo Dhibco Siyaasadeed ka Raadinaaya Isku Bedelka aan Natiijada Dhalin ee Hogaanka NISA..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *