Kooxda Argagixisada Shababka Oo Weerar ku Qaaday Degaanka Masagawa

Somalia news

Warar hordhac ah ayaa laga helayaa weerar qaraxyo ay Kooxda argagixisada Shabaabks aroortii hore ee saakay ku billaabeen ku qaadey degaanka Masagawaa ee Gobolka Galgaduud, halkaasoo Fariisimo ay ku leeyihiin Ciidamada Dowladda…

Dadka Degaanka ah ayaa sheegay in kooxda argagixisada Shabaabka weerarka soo qaaday ayaa la isku adeegsadsy hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoo ay bilaabeen qaraxyo Xubno naftood haligayaal ah ay isku qarxiyeen Fariisinka, sida la sheegay waxey doonaayeen sidii ay gacanta ugu dhigi lahaaheen degaanka, waxaana iska caabin xoogan kala kulmaya Ciidamadda amaanka.

Weerarkaan ayaa kusoo beegmaya laba cisho kadib markii Shabaab weerar kan lamida ay ku qaadeen deegaanka Budbud ee isla gobolka Galgaduud, waxaana weerarkaasi khasaare lixaad leh lagu gaarsiiyay Ciidamada Dowladda iyo kuwa Beelaha.

252700cookie-checkKooxda Argagixisada Shababka Oo Weerar ku Qaaday Degaanka Masagawa
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com