Ma Dhabaa in Tiro Odayaal Dhaqmeed ah laga Afduubtay 4-ta Tuulo..

Domestic News Security Somalia news

Warbixin wel wel xambaarsan ayaa daaha ka rogeysa in Maleeshiyaad ka tirsan kooxda Argagixisada Shababka ay tiro Odayaal dhaqmeed ka soo jeeda Degaanada 4-ta Tuulo ka afduubteen kuwaasoo ku heyb ah Madaxii Maxkamadii mar ka talin jireen Magaalada Mogadishu (Shariif Sheekh Axmed)…

Xuuraanada ayaa tilmaamaya in Afduubka Odayaashaan ayaa salka ku haya iney ka gaabi iney ka gaabiyeen in safafka kooxda ku biiriyaan Dhalinyaro degaanka ka soo jeeda iyo Dhaqaale lagu taageero kooxda, iyadoo bilihii ugu dambeeyay ay Beeshaan gacan saar hoose la laheyd kooxda Argagixisada una fududeeyeen iney ka soo talaabaan Buunada Mahaday.

Odayaashaan ayaa la xaqiijiyay in loo gudbiyay degaanada Beesha Gaaljaceyl kadib markii culeysyo ay ka soo food saareen dhanka Amaanka degaanada Miir-Tuugo iyo Ceel Baraf, iyadoo lagu daabulay tiro Gaadiidka nooca Noha, talabaadaan ayaa soo shaac baxrysa iyadoo Odayaashani ay bilooyin ka hor ka biyo diideen Saraakisha Dowlada Federaalka iney ka qeyb qaataan dagaalada degaanadooda looga xoreynaayo Maleeshiyaadka kooxda Argagixisada Shababka.

373530cookie-checkMa Dhabaa in Tiro Odayaal Dhaqmeed ah laga Afduubtay 4-ta Tuulo..

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *