Sirdoonka Eritrea Iyo Saameynta Doorashada

Somalia news

Todobaadkaan ayaa kulan qarsoodi ah uu Xafiiska Madaxweynaha ku qaabilay Saraakiil ka tirsan Sirdoonka Eritrea oo Muqdisho ku sugan muddo ka badan Laba Tofobaad, Saraakiisha ayaa la sheegay iney kormeerayaan Xarun looga diyaarshay Garoonka Doyaaradaha Muqdisho (Qeybta Afisione)…

Xogtaan ayaa Diinah.com news u xaqiijisay in Saraakiisha oo Maamulka Ciidamada (Difaaca Doorashada) u xil saaran ayaa maalin kasta u shaqo taga Xarunta Afisioni, Saraakiishaan ayaa markii hore la dejiyay Hotel Dorbin, oo ku dhow Xarunta NISA, balse markii dambe loo wareejiya Villa Somalia, halkaasoo ay hadda degen yihiin gaar ahaan Uganda House.

Ilo wareedyo ayaa sheegay in Hoygii uu degenaa Siyaad Barre Ee Qeybta Afisioni hadda laga wado dhisme Guri weyn, waxaana sidoo kale laga wadaa dhow dhisme oo kale, waxaana loo badinaayaa in dhismahaasi uu dego Mr.Farmaajo inta ay socoto doorashada 2021, maadaama ay jirto cabsi badan in doorashada ay noqoto mid la boobay taasoo keeni doonta in magaalada uu ka dhaco dagaal sokeeye.

Xarunta Afisioni ayaa lagu wadaa in la dejiyo Ciidamada ka socda Eritrea iyo kuwa Difaaca Doorashada oo xiligaan ka howlgala Magaalada Muqdishu, iyagoo Qatar Gaadiid aan sumad laheyn Muraayaduna u madow yihiin, waxeyna u socdaan raxan-raxan, iyagoo dhibaato xoogan ku haya Shacbiga Magaalada ku nool.

73060cookie-checkSirdoonka Eritrea Iyo Saameynta Doorashada