Share the post "Ciidamada Dowlada & Kuwa Degaanka Oo Kulaalaya Degmada Aadan Yabaal.."
Faahfaahin hordhac ah ayaa laga helayaa abaabul iyo diyaar garow xoogan oo Ciidamada Dowlada Federaalka iyo Kuwa Degaanka Gobolka Hiiraan ugu jirasn sidii weerar ugu qaadi lahaayeen Degmada Aadan yabaal si looga xoreeyo Kooxda argagixisada Shababka…
Is-diyaarintaan Ciidan ayaa si aad ah looga dareemay Degaanada kulaala Degmada Aadan Yabaal oo mudooyinkii lasoo dhaafay ku jirta gacanta kooxda argagixisada shabaabka, kadib markii Xoogagii Degaanka ay ka gaabiyeen iney ka difaacdaan magaalada Maleeshiyaadka ku soo duulay.
Abaabulkaan cusub iyo Dhaqdhaqaaqyadaan ciidan ayaa kusoo beegmaaya, iyadoo dhawaan Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi uu sheegay in si deg deg ah looga xureyn doono Shabaabka guud ahaan deegaanada ay kaga sugan yihiin gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana xalay magaalada Mogadishu ka baxay ilaa 70-Gaadiid dagaal iyo Ciidamo kuna sii jeeda Gobolka Shabeelada dhexe.