QM oo Turkiga ku Eedeysay iney ku xad-gudbeen Cunaqabateynta Hubka ee Somalia

Somalia news

Baarayaasha Qaramada Midoobay ayaa soo gabagabeeyay baaristooda ku aadan in Turkiga uu ku xad-gudbay cunaqabateynta caalamiga ah ee saaran Somalia, kadib markii uu keenay diyaarado hubeysan oo aan la socon UN-ka, sida uu sheegay Nordic Monitor…

Guddiga Khubarada arrimaha Somalia ee u kuurgala xaaladda colaadeed ee Dalka, iyadoo la raacayo go’aankii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, Turkigu waxaa lagu eedeeyay inuu ku xadgudbay cunno-qabteynta hubka ee Qaramada Midoobay, kaddib markii uu keenay diyaaradaha Drones-ka ee Bayraktar oo hubaysan, kuwaasoo ay farsamaysay shirkad ay leeyihiin qoyska Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan.

Xogta sirta ah ee ay heleen Baarayaasha QM ayaa tilmaamaya in Turkiga uu Muqdisho soo gaarsiiyay diyaaradaha Bayraktar TB2 December 6, 2021 iyadoo lagu daabulay laba diyaaradood oo nooca xamuulka qaada ah ee Airbus A400M oo ay maamulaan ciidamada cirka Turkiga.

Turkiga oo ka jawaabaya warqado baaritaan ah oo ka soo baxay Qaramada Midoobay ayaa ku andacoonaya in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ay geeyeen saldhigga Turkiga ee Muqdisho, ujeedkuna uu yahay ka qeyb qaadashada dagaalka lagula jiro argagixisada.

253490cookie-checkQM oo Turkiga ku Eedeysay iney ku xad-gudbeen Cunaqabateynta Hubka ee Somalia
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com