Hogaanka Kenya Oo lagu Eedeeyay inuu faragelin ku hayo Arrimaha Gudaha Somalia..

Africa News Politics Security Somalia news

Todobaadkii ugu dambeeyay Saraakiisha Arrimaha dibeda Kenya ayaa soo saarayay qoraalo is burinaaya ku aadan Xafiis (Liaison Office) Maamulka Gooni goosadka Somaliland ay uga furnaa laga soo bilaabo sanadkii 2018-kii, talaabadani oo u muuqata kala goynta Midnimada Dalka..

Mareegtada rasmiga ah ee Wasaaradda ayaa lagu soo saaray liiska Safaarada aan jirin ee jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland, Mowqifyadaan iska soo horjeeda ayaa waxaa looga fadhiyaw Dowlada Kenya iney si degdeg ah joojiso,” Sidaa waxa yiri Diblomaasi sare oo ka tirsan Dowlada Federaalka, iyadoo xubin ka ah labada Midowga Afrika iyo Bulshada Bariga Afrika, Kenya waxa ku waajib ah inay ixtiraamto madax-bannaanida iyo madaxbannaanida dhuleed ee dalalka xubnaha ka ah.

Waxaa lagu soo waramayaa in la bilaabay baaritaan ku aadan eedeymaha sheegaya in laga yaabo in Howlwadeenada Mareegtada la laaluushay. “Ma jiro sarkaal ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda Kenya oo oggolaan kara in xafiiska xiriirka Somaliland ee Nairobi lagu daro lambarka 20 ee liiska, oo ku xiga safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Somalia,” ayuu yiri wariye Kenyan ah.

Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa si aan rasmi ahayn u qaabilay Madaxweynaha Maamulka Somaliland C/raxmaan Maxamed C/laahi, Iyadoo uu kulankaasi ay diyaariyeen Howlwadeeno ka tirsan Safaarada UEA ee Nairobi, Kenya waxay si rasmi ah u aqoonsan tahay Maamulka Somaliland inuu yahay Maamul Goboleed ka tirsan Dowladda Federalka Somalia, Liistada xafiiska isku xirka safaarad ahaan goob dawladeed oo rasmi ah ayaa weli ah mid aan sax ahayn iyo mid diblumaasiyadeed labadaba.

374800cookie-checkHogaanka Kenya Oo lagu Eedeeyay inuu faragelin ku hayo Arrimaha Gudaha Somalia..

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *