Diiwaangelinta Dembiyada Ay Ciidamada Dowladda Geysteen

Somalia news

Macluumaad ayaa laga in Hey’addaha Xuquuqda Aadanaha ee ka howlgala Somalia ay bilaabeen iney diiwangeliyaan tacadayadii ay geysteen Ciidamada Dowladda Federaalka 4-tii sano ee Uu Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo talada hayay, iyadoo Warbixino la helay ay sheegayaan in tacadiyadaasi sy ky lug leeyihiin Saraakiisha Ciidamada Boliiska, Xooga Dalka iyo NISA…

Wararka ayaa sheegaya in Taliyaha Ciidamada Boliiska Uu bilaabay inuu raali gelin ka bixiyo Tacadiyadii ay geysteen Xoogaga Hubeysan ee Haramcad (Paramilitary Forces) oo hoos taga Taliyaha Boliiska inkastoo Xoogagaan ay so toos ah Saraakiishooda uga amar qaataan Madaxtooyada Villa Somalia.

Mr.Cabdi Xasan (Xijaar) ayaa 24-kii saac ee u dambeysa wuxuu guryahooda ku booqday Madaxweynayaashii Hore Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed, wuxuuna ka raali geliyo tixanihii tacadiyada ahaa oo ay geysteen Ciidamada Boliiska, Ciidamada Boliiska Ayaa Xildhibaano ka horistaagay iney galaan Xarunta Baarlamaanka, waxey qashqashaad ka sameeyeen Munaasabadii Aaskii Madaxweynihii hore Cali Mahdi, waxey rasaas noolnool la dhaceen Madaxda Xisbiyada Mucaaradka iyo Taageerayaashooda oo Dibada bax dhigaayay 19-kii Feb.

Taliye kuxigeenka Kaniif iyo Faarax Qaroole ayaa weeraray Hoyga Musharax Cabdiraxman Cabdishakuur, Mr.Xijaar ayaa dhamaan falalkaan ka baxsan Shuruucda iyo Dastuurka Dalka u degsan, wuxuuna u balanqaaday in hadda kadib ay ka howlgeli doonaan sidii ay shuruucada Dalka u dhowri lahaayeen isla markaasna Ciidamada Boliiska u sugi lahaayeen Amaanka Muwaadiniinta iyo Musharixiinta.

117570cookie-checkDiiwaangelinta Dembiyada Ay Ciidamada Dowladda Geysteen