Gabadh Soomaaliyeed oo Si Arxan Darro Toorey Loogu Dilay London..

Security World

Waxaa aad u sii kordhaaya Falalka Dilalka Mindiyaha ee ay geysanayaan Koox Dhalinyaro ah oo da’doodu kala heer tahay, iyadoo la sheegay in falkii ugu dambeeyay lagu dilay Marxuumad Marjama Osman, oo ahayd haweeney Soomaali-British ah oo 26 jir ah, si naxdin leh loogu tooreeyey degmada Croydon subaxnimadii Sabtidii la soo dhaafay…

Wararka ayaa sheegaya in Dilkeeda ayaa dib u soo nooleeyay walaaca laga qabo Dhalinyarada mindiyaha ku hubeysan oo tiradoodu iyo Dembiyada ay geysanayaan sii kordhaya maalinba maalinta ka dambeysa, waxeyna aad u saameysay Dhalinyarada Soomaaliyeed ee Dalkaasi ku nool, iyadoo Hey’adaha Amaanka Dowlada UK ay ka gaabiyeen iney xakameeyaan Dilalka.

Weerarka lagu dilay Marjama wuxuu ka dhacay meel aan ka fogeyn suuqa Surrey Street, halkaas oo ganacsatada iyo milkiilayaasha dukaamada ay sheegeen in xaaladda amniga ay hoos u dhacday, Dilka Marjama ayaa noqotay tii ugu dambeysay ee falal taxane ah oo dilal mindi lagu geysto kuwaas oo si gaar ah u saameeyay bulshada Soomaaliyeed ee Britain, Hay’adaha u dooda bulshada ayaa sheegay in Soomaalida ay ku jireen ilaa 10% dhimashadii dhallinyarada ragga ee London sannadihii 2017–18 — tiradan oo dhalisay baaqyo ku aadan tallaabooyin ka hortag adag.

375330cookie-checkGabadh Soomaaliyeed oo Si Arxan Darro Toorey Loogu Dilay London..

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *