Maxaa ka Run ah in La Jaray Xarkaha Internet-ka Qaada Oo Badda Mara, Yaase Lagu Eedeeyay..

World

Bilihii la soo dhaafay, afar Xarig  oo kuwa isgaarsiinta oo gunta hoose ee Badda la dhogay gaar ahaan inta u dhaxeeya Sacuudiga iyo Djibouti ayaa Sirdoonada USA, UK iyo Israel ku eedeeyeen iney jareen koox la tuhunsan yahay iney ka tirsan yihiin kooxda hubeysan ee Xuutiyiinta Yemen, sida laga soo xigtay Ilo wareedyo Amaan…

Wararka ayaa sheegaya in Falkaan ayeey u badan iney u muuqato aargoosi ka dhashay Duqeymaha Diyaaradaha iyo Gantaalada USA iyo UK ku hayaan kooxda Xuutiyiinta, Burburinta afartaan Xargaha ah ayeey khubarada aaminsan yihiin inay kala yihiin nidaamyada AAE-1, Seacom, EIG iyo TGN, waxay calaamad u tahay khalkhal ba’an ee isgaarsiinta u dhexeeya Yurub iyo Aasiya.

Sida laga soo xigtay shabakada wararka Israel ee Globes, wadamada Khaliijka iyo India ayaa noqon doona kuwa ugu dhibka ugu badan uu ku dhici doono, maxaa yeelay Xariga AAE-1 wuxuu ku xiraa Bariga Aasiya ilaa Europe iyadoo sii maraya Masar, China ilaa Galbeedka iyadoo uu xiriiriyo wadamo ay ka mid yihiin Pakistan iyo Qatar, Habka fiilada ee Europe iyo India Gateway (EIG) ayaa isku xirta koonfurta Europe ilaa Egpyt, Sacuudi Carabiya, Djibouti, UAE iyo India, Xariga Seacom wqxey kaloo isku xiraan Europe, Afrika iyo India wuxuuna ku xiran yahay Koonfur Afrika.

Inkastoo Wasaaradda Isgaarsiinta Yemen oo ku sugan magaalada caasimadda ah ee Sanca, ay qoraal soo saartay ku sheegtay in aysan jirin wax khatar ah oo ku wajahan xarkaha badda ee mara Bab al-Mandab, go’aanka looga hortagayo iney maraan maraakiibta Israa’iil aysan khusayn maraakiib ay leeyihiin shirkado caalami ah oo shatiga u haysta in ay qaadaan ka baxsan shaqada fiilooyinka badda.

311430cookie-checkMaxaa ka Run ah in La Jaray Xarkaha Internet-ka Qaada Oo Badda Mara, Yaase Lagu Eedeeyay..