Howlgal Khasaare Lagu Gaarsiyay Makeeshiyaadka Shababka oo ka Dhacay Sh/Dhexe..

Domestic News Security Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa Howlgal ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidamada Dowlada iyo kuwa Degaanka ay ka fuliyeen dhulka howdka ah ee Degaanka Ceel dheere oo ku yaala xadka ay wadaagaan Gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, kaaasoo la sheegay inuu ka dhashay khasaare…

Qoraal ay soo saartay Dowlada Fedaraalka ayaa lagu sheegay in howlgalka uu isugu jiray dagaal iyo duqeymo cirka ah oo lagu beegsaday goobo ay ku dhuumaaleysanayeen Maleeshiyaadka kooxda Shabaabka, Howlgalka ayaa la tilmaamay in lagu dilay horjoogayaal iyo maleeshiyaad badan oo ka tirsan kooxdaani, islamarkaana sidoo kale lagu burburiyay goobo gambaad u ahaa.

Warka laguma shaacin tirada rasmiga ah ee kooxda Shabaabka looga dilay dagaalka iyo duqeymaha ka dhacay deegaanka Ceel dheere, wuxuuna qeyb ka ah howlgalada dowladda Fedaraalka ku dooneyso iney dalka kaga ciribtirto kooxda Shabaabka.

376920cookie-checkHowlgal Khasaare Lagu Gaarsiyay Makeeshiyaadka Shababka oo ka Dhacay Sh/Dhexe..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *