Ma Dhabaa in Maamulka Jubbaland oo Si Afduub ahaan uga Soo Tarxiilay Wasiir Kuxigeen..

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada hoose ayaa sheegaya in Xoogaga Amaanka ee Maamulka Axmed Madoobe ay xireen isla markaasna si ka baxsan Nidaamka Dowladiga ah ula dhaqmeen Wasiir ku xigeen ka tirsan Maamulka Jubbaland…

Xogtaan ayaa warsidaha Diinah.com news u xaqiijisay in Xoogaga Beeleysan ee Maamulka Jubbaland ay qabteen Muwaadin Mahad sheekh Muxiyadiin oo ahaa Wasiir ku xigeenka Beeraha Jubaland, isla markaasna si ka baxsan Nidaamka Dowladiga ah ula dhaqmeen Wasiir kuxigeenka.

Wararka ayaa sheegay in kadib markii uu isaga oo Katiinad labada gacan kaga xiran tahay laga soo tarxiilay Magaalada Kismaayo si jujuub ah, Lagana soo dajiyay Magaalada Muqdisho, Jubbaland waxay noqotay meel Shacbiga Soomaaliyed lagu bahdilo.

275240cookie-checkMa Dhabaa in Maamulka Jubbaland oo Si Afduub ahaan uga Soo Tarxiilay Wasiir Kuxigeen..