Abwaan Lagu Dilay Magaalada Muqdisho

Politics

Warar hordhaca ayaa ka soo baxaaya Dil loogu geystay magaalada Muqdisho Abwaan ka tirsanaa Kooxda Hobollada Boliiska, iyadoo la sheegay iney falkaasi geysteen koox Dabley ah….

Wararka ayaa sheegaya in Dabley Bistoolado ku hubeysnaa ay weerar ku qaaday Allaha u naxariistee Abwaan Baashi Macalin Maxamuud  kaasoo ka mid ahaa kooxda Heegan ee ciidamada Boliska, wuxuuna dilka ka dhacay xaafadda Arjentin, degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho.

Dadka degaanka ayaa sheegay in abwaanka lagu toogtay agagaarka Gurigiisa, iyagoo ay baxsadeen dableydii dilkiisa geysatay, waxaana markii dambe goobta tegay ciidamada Amniga.

Ma jirto weli cid sheegatay dilka Abwaanka, iyadoo Hay’adaha Amniga aysan wax war ah kasoo saarin falkan.

29140cookie-checkAbwaan Lagu Dilay Magaalada Muqdisho