Qoraal Loo Diray Villa Somalia Loogana Digay Dhibaateynta Wariyayaasha

Politics

Machadka Caalimiga ah ee Warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday iney Warqad u direen Xafiiska Madaxtooyada Somalia, kana codsaday iney Maamulka uu si ugu dhaqsiyaha badan u joojiyo xadgudbiyada Warbaahinta iyo Wariyayaasha….

Qoraalka ayaa lagu xusay iney nasiib darro tahay in Shaqsi hore ugu soo shaqeeyay Wariyenimo uu Hogaamiyo Hey’adda NISA caburinta iyo cagajugleynta Wariyayaasha, Warbaahinta iyo ku xadgubka Xoriyada Hadalka.

“Warbaahin madax banaan la’aan Demuqaraadiyad kama jireyso Somalia, guud ahaan Warbaahinta, waxeyna daruuri u tahay Demuqaraadiyada gaar ahaan xili uu Dalka wajahaayo caqabado kala duwan” sidaas Waxaa yiri Mr.Ravi R. Parsad Agaasimaha waaxda Ololaha.

Waxaana cod dheer looga Dalka Maamulka Farmaajo inuu Xaqiijiyo iney joojiyaan Hogaanka NISA iyo Ciidamada kale iney si deg deg ah u joojiyaan Cagajugleynta iyo Xariga sharci darro ah ee loo geysanaayo Wariyayaasha.

Warbaahinta ayaa laga maar maan u ah ajandayaasha heer Qaran ee xiliga kala guurka, iyadoo dhamaadka Sanadkaan lagu wado iney Doorashooyin ka qabsoomaan Dalka, Waxaana Dowlada Farmaajo lagu sifeeyay “ Maamulkii ugu xumaa ee soo mara Warbaahinta iyo Weriyayaasha”.

32530cookie-checkQoraal Loo Diray Villa Somalia Loogana Digay Dhibaateynta Wariyayaasha