Adeege Fahad Oo Wariye Harun Macruf U Goodiyay

Politics

Agaasimaha Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka (NISA) ayaa ku goodiyay in talaabo ay ka qaadi doonaan Wariye Harun Macruf, oo ka mid ah Wariye-yaasha Soomaaliyeed ee ka hawlgala Laanta afka Soomaaliga ee VOA, kadib markii danihiisa gaarka ah daanha laga rogay….

Adeege Fahad ayaa Wariyaha ku eedeeyay inuu leeyahay xiriiro halis ku ah nabadgelyada dalka, isla-markaana uu ku kacay falal ka baxsan anshaxa Saxaafadda, Hogaanka hay’adaha dalka ayaa ku sifoobay iney Agaasimaha danihiisa ku difaaco Awooda xafiiska uu xilka ka hayo, wuxuuna si joogta ah ugu cago joogleyaa Muwaadiniinta Soomaalida, isagoo ugu baaqa iney feejignaadaan xiriirkiisa iyo Gancsigiisa, isla markaasna la xiriira Sirta Qaranka.

“NISA waxay talaabada sharciga ah ee ku haboon ku qaadaysaa Harun Macruf, oo leh xiriiro khatar ku ah amniga Qaranka, kuna kacay falal ka baxsan anshaxa Warbaahinta. Waxaan hay’adaha dalka la wadaagaynaa inay ka feejignaadaan xiriirkiisa, soona wargaliyaan laamaha amniga Qaranka.” Ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay barta NISA ku leedahay Twitter-ka.

Wariye Harun Macruf waxaa lagu tilmaamaa mid ka mid ah Wariye-yaasha Soomaaliyeed ee ugu khibradda wanaagsan dhanka Warbaahinta, waxaadna mooddaa in mararka qaarkood uu dibadda u soo saaro xoggo muhiima, oo ay ahayd inay hellaan amaba ogaadaan Sirdoonka Qaranka, isagoo sheegay inuu hayo xogo muhiim ah oo Shirakaddo shisheeye ay ku lug leeyihiin Ka qeyb qaadasha Barabagaanada iyo Eedeynta Siyaasiyiinta,Weriyayaasha Iyo Aqoonyahannada.

Yaab Ma Al-Jaziira ayaa saameyn ku leh,

Mise Warbaahinta Amisom ee Halbeeg.com oo la sheego iney si toos ah ula shaqeyso Laba Hey’add oo warbaahineed oo uu Maamulo Adeege Fahad Qandaraasna ka heysta Amisom!!?

Qoraalka ka soo baxay NISA ayaa dad badani ka yaabiyay, Ka hor inta aanu ka falcelin Wariye Harun Macruf, dad badan ayaa barraha bulshada si adag ugu jawaabay Taliska NISA.

Cidda ay NISA sheegtay in ay talaabo ka qaadi doonto waa muwaadin haysta dhalashada dalka Mareykanka, mana cadda sida ay NISA ku fulin karto talaabadaasi. Waxayna dadka qaarkii hanjabaadaasi u arkaan mid aan wax macno ahi ku fadhin.

25790cookie-checkAdeege Fahad Oo Wariye Harun Macruf U Goodiyay