18 Eedeysane Oo Loo Heysto Kufsiga Caruur

Uncategorized

Faahfaahin ayaa laga soo sheegaya 18-Eedeysane oo lagu eedeeyay iney falal kufsi kula kaceen Caruur yar-yar, taasoo argagax iyo walaacba ku beertay Bulshada ku dhaqanka degmada Afgooye ee Gobolka Shabelada hoose…

Wararka ayaa sheegaya in Caruurta la kufsaday oo da’doodu lagu qiyaasay saddex jir iyo afar sano jiro, ayaa waxaa kiiskooda loo soo qab qabtay sideed iyo toban nin, kuwaasoo hadda ku jira gacanta Xoogaga Amaanka.

Ibraahim Aadan Cali (Najax), Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose ayaa bulshada Soomaaliyeed la wadaagay in kiiskaasi loo hayo sideed iyo toban qof, oo lala xiriirinayo.

Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose ayaa intaa ku daray in hay’adaha ammaanka, ay weli ku hawlan yihiin baaritaanada ku aadan falkaasi.

“Waxaan shacabweynaha ku nool Shabellaha Hoose iyo guud ahaan umadda Soomaaliyeed u xaqiijinayaa in illaa 18 qof oo looga shakisan yahay in ay ka dambeeyen kufsiga Degmada Afgooye loogu gaystay ilmaha yar ay xiran yihiin, laamaha Amnigana ay weli wadaan baaris la xiriirta kiiskan.” Ayuu yiri Gudoomiyaha.

Muddooyinkii ugu dambeysay ayaa waxaa Gobolada Koonfurta Somaliya ku soo baadayay falalka kufsiga, tiiyoo ay muuqato inaanay jirin cid loo maxkamadeeyay.

25760cookie-check18 Eedeysane Oo Loo Heysto Kufsiga Caruur