Howlgalka Midowga Africa (Amisom) ee Somalia, ayaa iska fogeeyey falkii foosha xumaa ee lagu soo riday Diyaaradii rayidka aheyd ee African Express airways, duleedka Magaalada Berdaale oo 60-Km u jirta Magaalada Baydhabo….
Warqad kasoo baxdey xarunta midowga Africa ee Addis Ababa, gaar ahaan xafiiska Taliyaha Ciidanka howlgalka midowga Africa ee AMISOM ayaa lagu yiri, “Ciidamo aan ka tirsaneyn howl galka AMISOM ayaa soo riday diyaaraddii African Express, taasoo ah in Ciidamada Ethiopia qeybta aan hoos tagin AMISOM”.
Warbixinta ayaa lagu muujiyay in sababta loo soo riday diyaaradda inay aheyd shaki laga qabay inay is qarxiso iyo xiriir la’aan, xitaa haddii aan la toogan laheyn, waxaa warbixinta lagu sheegay inay diyaaradda soo dhici laheyd maadaama lugaha diyaaradda aanu diyaar aheyn xilligii ay soo dageeysay.
Xogo hoose ayaa muujinaaya in Diyaarad ay marka hore isku dayday iney Soo ku soo degto Garoonka balse xiligaasi xoolo ayaa wada dhex socday, isku diyaarintii labaad ayaa la sheegay in garneel ama 7- lagu dhuftay, iyadoo warar kale ay sheegayaan qoriga Zuuga 23-mm la la beegsaday.