Nasri Warsame Oo Looga Adkaaday Kursiga Xaafada 10-Aad Ee Minneapolis

U.S.

Wararka laga helaayo doorashada Degmooyinka Dalka Mareykanka ayaa sheegaya in Nasri Warsame looga adkaaday Kursiga xaafada 10-aad ee golaha degaanka Minneapolis, kadib markii Somalida degaankaasi ay ku kala qeybsameen doorashada..

Sida wararka ay sheegayaan waxaa ka adkaatay Nasri oo kursigan ku guuleysatay Gabadha asalkeedu Hindiga yahay ee Aisha Chughtail, Nasri Warsame oo ah wiil Dhalinyaro Soomaaliya ayaa olole xoogan waday bilihii ugu dambeeyay, isagoo Soomaalida iyo ajaanibta kaleba ka dalbanayay iney codka siiyaan.

Xiliyadii ugu dambeeyay ayaa la sheegayaa in Xildhibaanada Ilgaam Cumar ay taageertay Gadhabaan, waxeyna cukeys ku saartay Nasri inuu ka haro doorashada, kadibna Xisbiga Demuqaraadiga ayaa ugu dambeyntii soo xushay Gabadhaan, Talaabadaan ayaa u muuqata in Sanadka Dambe doorashada Kursiga Ilhaam Cumar laga digay inuu hoos u dhac ku iiman doono.

286440cookie-checkNasri Warsame Oo Looga Adkaaday Kursiga Xaafada 10-Aad Ee Minneapolis