Amisom Oo Xirtay Xarunteedii Xalane

Politics

Qoraal ka soo baxay Hogaanka Amisom ayaa lagu sheegay in maanta laga bilaabo in la xiray Xarunta Amisom ee Xalane, iyadoo xayiraadani ay timid kadib markii Qandaraasle Ajnabi ah laga helay Cudurka Coronavirus…

Amarka Xayiraadani ayaa socon doona muddo 30-maalmood ah, iyadoo la joojiyay Dhamaan Kulamadii qorsheysnaa iyo booqashadii lagu tegi jiray gudaha Xarunta Xalane, iyadoo xayiraadani ay saameyn ku yeelan doonto Safaaradaha Shisheeye, Shirkadaha Qandarasleyda ee U.N.-Ka iyo Amisom la shaqeeya.

Amarkaan Mudada uu socdo lagu xoojin doonaa in la xakeemeeyo ka hortagga faafitaanka Cudurka Covid-19, oo dunida xiligaan faro ba’an ku haya, Waxaa la joojiyay dhamaan dhaqdhaqaaqa gelida iyo bixida Xarunta Amisom, Sidoo kale waxaa la joojiyay Ganacsatada ka waday Howlaha dayactirka qeybaha Xaruntaasi, iyadoo lagu wargeliyay Shaqaalaha in muddadaasi kor ku xusan ku sugnaadaan guryahooda.

Dadka Arrimaha asaasiga u haya Amisom ayaa lagu wargeliyay in la marsiin doono baaris Caafimaad oo adag, kadib loo oggolaan doono iney galaan oo goobo cayiman booqdaan.

24810cookie-checkAmisom Oo Xirtay Xarunteedii Xalane