Ciidamo isku hor-fadhiya Muqdisho iyo Cabsi Laga Qabo dagaal

Politics

Wararka hordhaca ah ee naga soo gaaraya Degmada Yaaqshiid ayaa sheegaya in Dadka degaanka oo doonaya inay biyo xireen dhistaan si ay uga hortaagan Biyaha roobabka oo xiligoodu bilow yahay, balse waxaa la soo sheegayaa Ciidan hubaysan oo dhanka Dayniile ka socda inay diidan yihiin in halkaasi biyo xireen laga sameeyo..

Dad goob joogayaal ah ayaa Mareegtada Diinah.com u sheegay in laga cabsi qabo in halkaasi uu ka qarxo dagaalo beeleed oo salka ku haya dhulka halkaasi ku yaal, waxaana durbadiiba la dareemay abaabulo colaadeed iyo hub uruursi sameeyaan.

Waxaana laga soo sheegaya Xaalad aan wanaagsaneyn ay hareysay degaanka ee wadada Daaru Salaam, kadib markii dadka deegaanka wadada ay xirteen, waxaana halkaasi ka jirta xiisad ka dhalatay Biyo xireen dadka xaafadda ay sameysan rabeen.

24900cookie-checkCiidamo isku hor-fadhiya Muqdisho iyo Cabsi Laga Qabo dagaal