Amnesty Oo Warbixin Ka Soo Saartay

Politics

Warbixin dheer oo ay soo saareen Hey’adda Amnesty International ee u dooda Xuquuqda Dadka rayidka ah, ayeey waxey kaga hadashay xaalada Wadamo ay Somalia ka mid tahay…

Warbixinta ayaa diirada lagu saaray Colaadaha daba dheeraaday, Xoriyada Hadalka, tacadiyada Jinsiga iyo barakacayaasha gudaha, iyadoo intii u dhaxeysay 2018/19, ay sareysay xiisadaha Siyaasada gudaha, Dowlada, Maamulada iyo Wakiilada beesha Caalamka ay diirada saareen dagaalka kooxaha argagixisada Iyo Doorashooyinka.

Doorashooyinka qaarkood ayeey tibaaxday warbixintu iney hareereeyn loolan siyaasadeed iyo eedeymo la xiriira kushubasho iyo Mas’uuliyiinta oo wiiqay xoriyada hadalka iyo Barlamaanka, iyadoo la adeegsanaayo awood Ciidan, Awooda Xad-dhaafka ee la adeegsaday ayaa dhilisay iney waxyeelo soo gaarto Shacbiga.

Colaadaha Hubeysan ayaa Weli halkoodii ka sii socda taasoo horseeday in dhibaatadu ku dhacdo Dadka rayidka ah, waxeyna Maamulka Villa Somalia ku eedeeyeen iney bartilmaameedsadeen xubnaha Mucaaradka, Wariyayaasha, Talaabadaan ayeey ku tilmaameen iney Meel ka dhac ku tahay xoriyada hadalka, mararka qaarna ay dhimasho dhaliyeen awood adeegsiga.

Kooxda Shabaabka ayeey ku eedeeyeen iney cabsi gelin joogta ah ku hayaan Wariyayaasha iyo tacadiyada Jinsiga ee dhanka ka ah Dumarka iyo Gabdhaha kuwaasoo aad u kordheen labadii sano ee ugu dambeysay.

Sidoo kale, waxaa Eedeyn loo jeediyay Ciidamada Amisom, iyagoo ku lug yeeshay khasaaraha Dadka rayidka ah ee ka soo gaara Colaadaha hubeysan, waxaa kaloo lagu eedeeyay Iney Taliska Africom iney duqeyn (drones) ay ka geysteen Gobolada Shabeelooyinka iyo Jubada Dhexe.

27030cookie-checkAmnesty Oo Warbixin Ka Soo Saartay