Dhaqdhaqaaq Maleeshiyo & Abaabul Laga Dareemay Degaanka Qorilugud Togdheer…

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya magaalada Buuhoodle ee ka tirsan Gobolka Togdheer balse ay degan yihiin Beelaha Taageersan Somaliland (Solomadow H.Jeclo) ayaa sheegaya Maleeshiyobeeleed hubeysan oo dhawaan lagu soo daabulay degaanka Qorilugud ee hawdka ayaa dhaq dhaqaaq ciidan ka wada degaankaasi…

Wararka ayaa sheegaya dhaqdhaqaaqan Maleeshiyo ee Aaga Degaanka Qorilugud u yimid kadib markii Maleeahiyaad isku dhaf ah oo Beelaha Somaliland Halkaasi uu geeyay Maalmihii ugu dambeeyay Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Kaahin, iyadoo sidoo kale dhinaca Khaatumo-SSC ay degaanka keeneen Xoogag Hubeysan.

Dhaqdhaqaaqa Msleeshiyo ee labada dhinac ayaa soo shaac baxaaya, kadib markii Maamulka Somaliland ay ku hanjabeen iney dagaal rogaal celis ah ku qaadayso degaannada SSC si ay uga aar-gudato jabkii ka raacay Gooja-cadde.

277980cookie-checkDhaqdhaqaaq Maleeshiyo & Abaabul Laga Dareemay Degaanka Qorilugud Togdheer…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com