Baaqyo Xayiraadyo oo laga soo Saaray Nooc ka mid Qaadka ee Degaanka Wajeer Kenya & Sababta..

Africa News Health

Wararka naga soo gaaraya degmada Wajeer ee Ismaamulka Soomaalida Kenya ee Waqooyi-Bari ayaa sheegaya in Xildhibaano iyo Wadaada Degaanka oo war saxafaadeed qabtay ayaa sheegay in ay mamnuucayaan maandooriyaha Makuga (Maqooqaa) loo yaqaano ee ka baxa Dalka Kenya…

“Maqooqaha waxuu kamid yahay daroogada faraha badan oo bulshada dhibaatooyin u horseeda sidaas darteed ayaan go’aan uga gaarnay.” sidaas waxaa BBC da u sheegay Aadan Cabdi Buule oo ah Xildhibaan laga soo doorto Wajiir, Xildhibaanku wuxuu sheegay in Mas’uuliyaddi ka saaran tahay Dadka Drgaanka, iyaguna ay yihiin Fadkii danahooda matali lahaa, sdiaa daraadeedna ay tahay in u istaagaan arimaha saameynta ku leh.

Dalka Kenya waxaa ka dhashay dood iyo hadal hayn saameyn leh oo uu keenay nooc ka mid ah qaadka suuqyada Dalkaasi lagu iibiyo kadib markii saddex kamida Gobolada Dalka ee dhaca dhanka xeebta laga joojiyay isticmaalka qaadkaan.

Muxuu yahay Farqiqa u dhexeeya Makuga iyo Miiraaga?

Ururka Cilmi Baadhista Xoolaha iyo Beeraha ee dalka Kenya ayaa sheegtay in farqiga u dhexeeya Miiraaga iyo khaadka nooca Makuga loo yaqaanno Soomaaliduna u taqaanno ‘maqooqaha’ in uu yahay in cadadka labada maado ee loo yaqaanno Cathines iyo Cathinones uu yahay oo ah labada Kimiko ee mirqaanka sababa, Sidoo kale kala duwanaanshaha ayaa ah in khaadka Miirooga lasoo jaro isaga iyo laantiisaba halka kan Makuga isaga caleentiisa bas ah geedka laga soo jaro.

Qiimaha suuqyada dalka Kenya lagu iibiyo ayaa aad u kala duwan qiimaha miirooga caadiga ah inta ugu yar ee suuqa laga iibsan karo waxay ku fadhidaa 150-200 oo shilinka Kenya ah lacag u dhinta [$1.15-1.54], halka Maqooqaha lagu iibsado 50 shilling [$0.38].

329370cookie-checkBaaqyo Xayiraadyo oo laga soo Saaray Nooc ka mid Qaadka ee Degaanka Wajeer Kenya & Sababta..