Saameynta Maqnaashaha Madaxweynaha Somalia ee Kulanka Urur-Goboleedka IGAD

Africa News

Waxaa shalay ka furmay magaalada Nairobi kulan aan caadi aheyn oo ay yeesheen Madaxweynayaasha Dalalka ku bahoobay urur-Goboleedka IGAD, kaasoo looga hadlaayay xaalada Dalka Suudaan, Abaaraha iyo qodobo kale…

Kulankaan oo uu Shir-gudoominaayay Madaxweynaha Dalka Sudan, ayaa diirada lagu saaray xaalada Amni, siyaasadeed iyo dhaqaale ee Dalalka ku bahoobay Ururkaan, iyadoo kulankaan intii uu socday loogu hambalyeeyay Madaxweynaha la doortay ee Somalia, kaasoo ka cudurdaartay inuu ka qeyb galo Kulanka Madaxda IGAD.

Iyadoo kulankaan war-murtiteedka ka soo baxay lagu xusay abaaraha ka taagan Dalalka Somalia & Ethiopia, iyadoo la sheegay in Maqnaanshaha Madaxweynaha Somalia ee Kukankaan aad looga dareemay, Sarkaal u hadlay Dowlada Kenya ayaa sheegay:-

“Wey Dhacdaa in Hogaamiye ka tirsan Ururka IGAD oo howlo kale yeesha ugana maqnaadaan Kulanka aan caadiga aheyn, saameyn Siyaasadeed kuma lahan xiriirka dalka qabanaaya iyo Dalka Madaxweynihiisu ka baaqsada Shirka”.

Ugu dambeyntii intii uu kulanka docday ayaa Waxaa kulan yeesha Madaxweynaha Sudan iyo Ra’iisul wasaaraha Ethiopia, iyadoo la sheegsy iney heshiis hordhac ah ka gaareen dagaalakii ka dhacay Xuduuda labada Dal ee khasaaraha xoogan ka dhashay.

198850cookie-checkSaameynta Maqnaashaha Madaxweynaha Somalia ee Kulanka Urur-Goboleedka IGAD