Banaanbax Xoogan Oo Muqdisho Ka Socda

Politics

Shacbi aad u careysan ayaa maanta isugu soo baxay nawaaxiga Isgoyska Jubba ilaa Taalada Daljirka Dahsoob ee Magaalada Muqdisho, kadib markii dadkaasi ay ka caroodeen dil xalay loo gaystay laba ruux oo shacab ahaa, waxaana dilkaasi gaystay Askari Boliis ah….

Dadkaan careysan ayaa ku dhawaaqaayay erayo ka dhan ah Mr.Farmaajo gaar ahaan Ciidamada uu Hogaamiye Mr.Xijaar oo sida xasuusan yahay madax ka ahaa 5-Gaari oo Cabdi bike NISA ay leedahay ayeey dagaalka sokeeye ka bilaabeen Degmada Wardhiigley 30-09-1990, Maanta Isla Xijaar ayaa Ku amray in Dadka dibadbaxaaya Rasaas lagu furo.

Dadka xalay uu dilay Askariga ka tirsanaa Ciidamada Booliska, ayaa waxaa la sheegay inay hor fadhiyeen gurigooda, balse lagu gardarooday.

Allaha u naxariistee labada Marxuum ee la dilay ayaa kala ahaa.

-Marxuumada Madiino Cabdullaahi Cabdi ina Faadumo Xuseen Maxamed 17 jir ah ku dhalatay Xamar daganeyd Boondhere,

-Marxuun Xasan Cali Cadaawe ina Faadumo Cali Xasan 24 jir ah ku dhashay Xamar daganaa Boondheere.

Madaxa Maleeshiyaadka Farmaajo ayaa sheegay in gacanta lagu soo dhigay D/Le Boliis Lambarkiisu yahay 26869 Xasan Aadan Xasan  24 jir ah.

29940cookie-checkBanaanbax Xoogan Oo Muqdisho Ka Socda