Deni oo looga digay inuu Shaqaalaha Iyo Ciidamada u Isticmaalo fulinta Barnaamijka Muddo Kordhinta

Somalia news

Qeylo dhaan ayaa laga soo saaray olole kala qeybin ah oo uu si hoose u wado Madaxweynaha Puntland iyo xubno daacad u ah kuwaasoo ku howlan sidii Shaqaalaha iyo Saraakiisha Ciidamada loogu adeegsan lahaa Siyaasada iyo doorashada, tani ayaa ku soo beegmeysa xili ay isa soo tarayaan digniinaha laga bixinaayo muddo kordhinta…

Wararka ayaa sheegay in Xaflad ka dhacday magaalada Garoowe ayna ka qeyb galeen Mas’uuluyiin ka tirsan Puntland oo uu ka mid yahay Duqa Magaalada iyo kooxo dhalinyaro ah oo isku heyb ah, dhamaantoodana ay Shaqaale iyo Saraakiil Ciidam yihiin, ayeey ku dhawaaqeen iney taageersan yihiin Nidaamka doorashada shakiga badan dhaliyay ee golayaasha degaanka.

Kulankaan ayaa la sheegay in dhaqaale ku bixisay Madaxtooyada Puntland, sidii loo kala qeybin lahaa Bulshada magaalada Garoowe, isla markaasna buuqa ka dhashay uu marmarsiinyo uga dhigan lahaa inuu muddada kororsado sida uu kula heshiiyay Villa Somalia, waxaana laga digay iney horseedi karto xasilooni darro siysaadadeed.

Barnaamijkaan doorashada Qof iyo cod ayaa u muuqda mid aan socon karin maadama soohdimeynta ay Wasaarada arrimaha Gudaha soo saartay uu Gudoomiyaha Baarlamaanku ku tilmaamay “mid aan Sharci aheyn”.

226470cookie-checkDeni oo looga digay inuu Shaqaalaha Iyo Ciidamada u Isticmaalo fulinta Barnaamijka Muddo Kordhinta
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com