Barnaamij ka Hubinta Oo Laga Qeyliyay..

Politics

Lixdii bilood ee la Soo dhaafay waxaa socday barnaamijyo ay guddiga shaqaalaha rayidka ah lagu khasbay oo loogu magacdaray Barnaamijka hubinta tirakoobka shaqaalaha dawladda,

Marka aad maqasho hadalkaan si aad ah ayaad ugu riyaaqeysaa  oo waxaa kugu soo dhacaya shaqaale tirsan oo mid waliba halkii lagu ogaa ku sugan,  lana cabiri karo wax soo saarkiisa. Hasa yeeshee waxaa kaa nixinaya marka laguu sheego waxa looga danleeyahy tirakoobtan Shaasiyaadka qaadaya iyo Meesha lagu qaadayo.

Tirakoobtan waxay u socotaa xaruunta NISA ee degamada Shibis oo dadka Xamar joogaa ay u yaqaanaan guriga habar Khadiijo. Waxaa sameyneysa NISA qarsoon  oo isticmaaleysa barnaamij (software) laga soo minguriyey dalka Erateria, kan oo lagu kala sooco shaqaalaha, ciidamada  iyo dadka rayidka ah si loo kala ogaado mucaaridka, kuwa dowladda taageersan iyo kuwa noolasha la dhiban oo aan waqti iyo waayo u hayn taageerid ama diidmo oo loo bixiyey dhexdhexaad.

Ujeedada  Barnaamijkan

Ujeedadiisa waxay tahay waa hab la rabo in shaqaalaha iyo ciidamada loogu kala sooco muxaafid iyo mucarid, wuxuuna barnaamijka ku jira su’aalo yool baar ah oo qofka lagu baarayo, waxaana meelo kala duwan lagu weydiinayaa:

  1. Goorta uu shaqada qortay iyo cidda qortay?
  2. magaca masuulka keenay iyo haddii uu barlamaanka ugu jiro Xildhibaan, si loo ogaado qabiilkiisa.
  3. Haddii uu ka mid yahay xisbiyada diiwaan gashan  iyo sababta uu xisbigaas ku ku doortay ?
  4. Inta xaas iyo caruur ah ee uu leeyahay iyo magacyadooda iyo waliba telefanooda.
  5. Halka uu degan yahay iyo inuu guriga uu degan yahay uu isaga leeyahay in kale? Haddii uu ijaar yahay cidda iska leh iyo qabiilkeeda.
  6. Inuu saxeexo qoraal ah inuu qabanayo shaqo kasta oo ay dowladda u dirsato, una hogaansamayo dhamaan ammarada madaxda qaranka iyo kuwa isaga xukuma.

Dhammaan su’aalahan waa heyb sooc siyaasadeed, kuwa qabiileed iyo kuwa cabsiineed, taas oo qofka ka dhigeysa inuu yahay maxbuus aan marnaba qaadan Karin tallaabo aysan NN ka raalli ahayn.

Dadka qaar waxaa loogu hanjabaa  inay ogaadaan inay mar haddii shaqada laga eryo uusan dalka ka shaqeyn Karin, ganacsina furan Karin.

Si dadka u wareeraan su’aalaha waa la kala qeybiyaa waxaana dadka la weydiiyaan waqtiyo kala duwan, waxaana weydiiya dad kala duwan kadibna waa la isu geeyaa qoraalkaas waxaana halkaas ka soo baxa waxa  yaqaanno Profile. Waa hanaan isku jira oo qofka looga hayo macluumaad haddii la doono si xun loo isticmaali karo, waana waxa ay Somalidu tiraahdo “hebel ama heblaayo faro ayaa laga hayaa” oo loola jeedo xor maaha.

Kadib marka la ogaado qofka qabiilkiisa, xildhibaankiisa hadduu yahay mucaarid iyo muxaafid, reerkiisa, haweekiisa magacyadooda, iyo hantidiisa waxaa warbixintiisa loo gudbiyaa NISA si ay u kala shaandheyso oo u itraahdo hebel waa mucaarid, hebelna waa taageere NN, iyo waa dhexdhexaad.

Kadibna kuwa loo arko inay mucaarid yihiin ama u janjeeraan mucaaridka waxaa laga qaadaa taallaabo adag oo nooc kasta noqon karta, qaarkood shabaabka ayaa loo gudbiyaa si ay shaqo uga qabtaan loogana nasto.

Ciidanka Qalabka sida

Hadda waxaa lagu wadaa hawsha noocaan ah ciidanka boliiska iyo kuwa xoogga dalka, waxaana loo kala saari doonaa seddexda qeybood ee aan kor ku so sheegnay.

Dhinaca kale waxaa hadda soo dhamaaday xog ururinta shaqaalaha waxaana la bilaabay in la eryo shaqaalaha aan taageere sooma jeesta ah u ahayn NN, waa habdhaqankii Kacaanka oo qofka shaqada looga saari jiray waa kacaan-diid hadda waa NN-diid.

  1. In la eryo shaqaalaha mucaaridka loo tiriyo ama xildhibaankiisu noqdo xildhibaan mucaarid .
  2. In la qoro shaqaale badan oo xooggaga wadaniyiinta (Guulwadayaasha NN) ah oo lagu badalo wixii mucaarid ah.
  3. In dhamaaan degmooyinka Xamar loo wada magacaabo ama maamulkooda gacanta loo geliyo xooggaga waddaniyiinta.


18900cookie-checkBarnaamij ka Hubinta Oo Laga Qeyliyay..