Siyaasadda USA Ee Somalia Oo Dib Looga Fiirsanaayo..

Politics

Dowlada Maraykanka oo in mudo ah taageero laablakac ah u haysay Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa ugu danbeeyntii soo taabatay darbiga iyada oo ay u muuqatay in ayan wax rajo ah oo laga filan karo hogaanka Farmaajo xiligan iyo kan mustabalka dhaw.

Tageerida Farmaajo ayaa markeedii hore ku ekayd saraakiisha Safaarada Maraykanka ee ee Soomaaliya kaasoo uu hogaanka u hayay safiirka Maraykanka  u fadhiya Soomaaliya Mr.Yamamato. Kulankii shalay ee Golaha Amaanka ee lagu qabtay xarunta Qaramada Midoobay ee New York ayaanu Maraykanku u isticmaalay fursad uu si cad isaga fogaynayo fashilka dowlada Farmaajo.

Danjiraha Maraykanka oo mudo todobo casho ah ku sugnaa magaalada Washington ka hor shirkii shalay ayaa dib loogu yeeray wadatashi iyo dib u eegista hogaanka  Farmaajo. Waxaana ka muuqanaysay kulankii shalay in go’aan cad laga qaatay Farmaajo iyo kooxaha isaga la shaqeeysta.

Carkowga Yamamoto ayaa inta uusan ku noqon dalka Maraynka si cad ugu sheegay Farmaajo in ayan suuragal ahaynin in dowlada Maraynka si indho la’aan ah u taageerto dowladiisa hadii uusan wax ka badalin dhaqankiisa siyaasadeed. Yamamoto ayaana ugu sheegay Farmaajo in “dhawaan”  go’aano culays leh ka imaan doonta dhanka iyo Washington.

Farmaajo ayaa inta uusan aadinin shrikii Midowga  Africa ee lagu qabtay magalaada Addis Ababa, waxa uu balan qaaday in uu ku dhaqaaqi doono talaabooyin uu horay uga balan qaaday dowlada Maraykanka,  nasiib xumo dhagaha ayuu ka furaysaty taabgalinta go’aanadii uu kula heshiiyay safaarada Maraykanka, Tusaale ahaan, waxa ay ahay in uu soo saaro qoraal uu ku aqoonsanayo Hogaanka Madaxweyne Axmad Madoobe, isla markaana uu ciidanka joogo Gedo uu dib ugu celin doono meeshii uu horay uga soo qaaday.. labadiina waa uu ku balan furay.

Eedii uu Safiirka Maraykanka uu shalay ka soo jeediyay Golaha Amaanka waxa ay daba-soctay balan ka baxyadii uu Farmaajo sameeyay, go’aanka cad oo ay dowlada Maraykanka ka qaadatay hogaanka Farmaajo.

Sida ay Aarka Diinah blogs uu ku Helay xog lagu kalsoon  yahay, waxaa ay beesha caalamka dhawaan si qasab ah isugu keeni doonaa madaxda dowlad goboleedyada iyo hogaanka Dowlada Fedaraalka halkaas oo lagu abuuri doono Madasha Qaranka  (National Leadershiop Forum) oo loo wada siman yahay. Hadii aan si kale aan u dhigno go’aan kastaa oo ay Madasha Qaran qaadato, waxaa uu noqonayaa mid si wadajira loo  qaato (Consensus) ama si is qancin ku yimaado mana jiri doono koox awood qaasa ku lahaan doonto madasha.

Talabadaan ayaa soo afjari doonta hogaanka Farmaajo, waxaana durbadiiba bilaaban doonta in qaar badan oo ka tirsan dowlada Farmaajo ay ka goostaan dowladiisa, taas oo ahaan doonin mid dowlada Farmaajo ku kooban, balse  waxa ay ku dhacday dowladihii isaga ka horeeyay.

18930cookie-checkSiyaasadda USA Ee Somalia Oo Dib Looga Fiirsanaayo..