Beesha Farmaajo Oo Weerartay Beesha Qorqor

Politics

Wararka naga soo gaaraya degaanka Daac-dheer ayaa sheegaya in dagaal la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan uu ka qarxay degaanka Bali-Cadde oo u dhow degaanka daac dheer.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in dagaalkani uu ka bilaawday kadib Maleeshiyo Beesha Mareexaan ee Madaxweynaha ay si bareer u dileen 2-qof rayid ah kana soo jeeda degaanka Cadaado gaar ahaan Beesha Qoqor, dilkaan ayaa horseeday in dagaalkaasi uu balaarto, oo Maleeshiyaad labada oo Gurmad ah ay la gaaraan aagaga Dagaalka, kaasoo hadda si xowli ah uga socdo.

ilaa hadda lama yaqaano khasaaraha ka dhashay dagaalka, waxaanse shaki ku jirin in Beesha Madaxweynaha oo xiliyadii ugu dambeeyay ay hub, rasaas iyo dhaqaale looga soo diraayay Madaxtooyada Villa, ay dhiiri gelisay iney weeraro ku qaadaan Beelaha la deriska ah.

26450cookie-checkBeesha Farmaajo Oo Weerartay Beesha Qorqor