Howlgalo Lagu Qabtay Mas’uul Dowlada Ka Tirsan

Health Uncategorized

Howlgalo ay xalay fuliyeen Xoogaga amaanka ayaa lagu soo xiray Agaasimaha Waaxda Maaliyadda ee Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya Maxamuud Maxamed Buulle…

Iiyadoo Wararka hordhaca ay sheegayaan sababaha xariggiisa lagu tilmaamay arrimo la xiriira lacago la musuq maasuqay oo ahaa kaalmo dhaqaale arrimaha caafimaadka loogu tala galay oo Wasaaraddu ka heshay Hey’addaha UN-ka.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Mas’uuliyiinta kale oo ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka la tuhunsan yahay ku lug lahaanshaha arrimo musuq maasuq, iyadoo ay soo baxeen warar sheegaya in lacagtaas loo isticmaalay Adeegga Ganacsiga Online-ka ee Forex.

26500cookie-checkHowlgalo Lagu Qabtay Mas’uul Dowlada Ka Tirsan