Share the post "Boliiska Benadir Oo Xiray Eedeysane Muuqaalo Anshax-xumo ah Masaajid Gudihiis isaga Duubay…"
Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa howlgal ay fuliyeen Boliiska Gobolka Benaadir kuna soo qabteen Wiil Dhalinyaro ah oo Masaajid gudihiis isaga duubay Muuqaalo anshax-xumo ah lidina ku ah Diinteena suuban iyo Dhaqanka Soomaaliyeed, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Boliiska..
Wararka ayaa sheegaya in Hiwlgalkaan ay fuliyeen Ciidamada Saldhigga Boliiska Degmada Wadajir, wsxeyna gacanta ku soo dhigeen Eedeysane, Saabir Cabdi Xasan 18 jir ah, Eedeysanaha ayaa ka soo muuqday muuqaal laga baahiyey baraha bulshada isagoo ku sugan Masaajidka Cali Jimcaale isla markaana muujinaya cowradisa hoose taasoo ka careysiisay Dad badan.
Boliiska ayaa sheegay iney Baaris ku bikaabeen Eedeysanaha la qabtay isla markaasna loo gudbin doono Maxkamada awooda ku leh kiiskiisa, waxeyna Dhalinyarada Soomasliyeed ugu baaqeen iney Sharciga iyo ku dhaqanka goobaha Cibaadada ilaaliyaan isla markaasna ka waantoobaan muqaalada anshax xumida ay baraha bulshada ku faafinayaan.