Fatahaadaha Iyo Roobabka Oo Dhibaato Ka Geystay Somalia

Somalia news

Xafiiska Qaramada Midoobay ee Isuduwidda Arrimaha Bani’aadamnimada (OCHA) ayaa sheegay in 418,000 oo qof ay ku barakaceen 29 degmo oo ku yaal gudahs Somalia, iyadoo Hey’adaha gargaarka ay kor u qaadeen wax ka qabashada dadkaas ay saameeyeen fatahaadda iyo Roobabka…

Ugu yaraan 29 qof ayaa ku geeriyoodeen halka inka badan 1 milyan oo kale ay saameeyeen roobab culus iyo fatahaadaha wabiyada tan iyo markii roobabkii Gu’ga ee bilihii Abriil iyo May ka bilowdeen Somalia sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

“Roobabku waxay daad gureeyeen kumaan kun hektar oo dalag ah, taasoo sii xumaynaysa cunno la’aanta ee aagagga ay dhibaatadu saameysey,” OCHA ayaa warbixin ku xustay.

Hay’addu waxay sheegtay in roobabku ay sii kordhin karaan cudurada ka dhasha biyaha, gaar ahaan shuban biyoodka iyo daacuunka, gaar ahaan dadka barakacayaasha ah ee ku nool degmooyinka dadku ku badan yihiin ee dalka.

Hay’adda Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in hay’adaha gargaarka ay dardar geliyeen dadaallada lagu yareynayo saameynta ba’an ee roobabku ay ku yeesheen in ka badan 255,000 oo qofna lagu gaarey gargaar nafo lagu badbaadinayo.

39870cookie-checkFatahaadaha Iyo Roobabka Oo Dhibaato Ka Geystay Somalia