Boliiska Gobolka Benaadir Oo Xabsiga Dhigay Wariye..

Security Somalia news

Macluumaad hordhac ah ayaa laga howlgal lagu qabtay Mid ka mid ah Wariyayaasha ka howlgala magaalada Mogadishu, kaasoo isla xalay Xabsiga la dhigay waxaana lagu eedeeyay Khalkhal gelin amni iyo Aflagaado sida lagu qoray lagu yiri qoraalka ka soo baxay Taliska qeybta guud ee Boliiska Gobolka Banaadir..

Saraakiisha Amaanka ayaa sheegay in Wariye Cali Adan Muumin uu maalmihii tagay waday inuu soo saaro Qoraalo uu ku dhaliilayo Hogaanka Dowladda Federaalka, isagoo faahfaahin ka bixinaayay qodobada ay ka gaabiyeen Hogaanka sare ee Villa Somalia, waxaana lagu xiray Saldhigga Boliiska Xamar weyne ee magaalada Mogadishu.

Dhaqan xumida joogtada ka noqday Hogaamiyayaasha Villa Somalia soo maamula ayaa ah iney Sanadka ugu dambeeya muddo xileedkooda ku haftay iney Saraakiisha Amaanka culeys ku saaraan in la soo qabto Wariyayaasha dhaliila waxqabadkooda isla markaasna tooshka ku shida dhul boobka iyo Musuqa baahsan ee ka jira Xafiisyada Dowlada, waana ayaan darro in dhacdooyinkaan soo noqnoqdaan oo aan lagula xisaabtamin.

362500cookie-checkBoliiska Gobolka Benaadir Oo Xabsiga Dhigay Wariye..

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *