Caro Xoogan & Fal celin ka Dhalatay Wafi Rag ah Oo Somalia u Dirsatay Kulanka Haweenka Aduunka…

Somalia news

Maalmahaan dambe waxaa baraha Bulshada Aduunka qabsaday oo fal celin ka dhalatay Wafdi Rag ah Dowlada Federaalka Somalia u dirsatay Kulanka Haweenka Aduunka ee QM soo qabanqaabisay, inkastoo Wafdiga uu ka koobnaa 4-Xubnood (2-Rag ah & 2-Haween), ayaan darrso labada Haweenka kama soo muuqan Muqaalada la baahiyay…

Carada xoogan ee ka dhalatay Wafdiga Rag ah ayaa muujineysa in Hogaanka Villa Somalia uusan si qoto dheer u fahansaneyn Baahiyaha gaarka ah ee Haweenka Soomaaliyeed ay qabaan, ku darsoo Wafdiga Xubnaha Haweenka waxaa kamid ahaa Iman Elmi oo Sarkaalad Ciidamada Xoogga Dalka ka tirsan iyo Sacdiyo Maxamed Nur oo Wasaarada Qoyska ka socotay balse aan lagu soo datin Muuqaalada la Baahiyay.

Kulankaan oo ay soo qabanqaabisay Shabakada Focal Point Network ee arrimaha Haweenka, Nabada & Amniga oo lagu qabtay magaalada New york, ayaa lagu kulansiiyay Wakiilo Haween ah oo 57-Dal ka socday, iyadoo ay ka qeyb galeen 121-Ergo oo 21 ka mid ah ay ahaayeen Rag, Sawirada la qaaday ayaa soo jiitay dareenka Bulshada, waxaana si weyn loogu dhaliilay Wasiirka Arrimaha Qoyska Bashiir Maxamed Jaamac iyo La-taliyihiisa Cabdullaahi Goodax Barre.

Xubno Wasaarada u hadlay ayaa difaacay Wasiirka, iyagoo sheegay in Ergo Rag ah oo ka kala socday Dalalka Japan iyo China ay madasha fadhiyeen, Carada Bulshada ayaa sidoo kale dib boorka uga jaftay in Hogaanka Villa Somalia uu laba jeer ka hor istaagay 2-Haween ah iney Xilal sare ka qabtaan Hey’adaa Baarlamaanada Aduunka iyo ka qeyb galka tartanka Hogaanka AU-da.

347690cookie-checkCaro Xoogan & Fal celin ka Dhalatay Wafi Rag ah Oo Somalia u Dirsatay Kulanka Haweenka Aduunka…