Maxaa Dib u Soo Nooleeyay Burcad badeedka Degaanada Puntland..

Somalia news

Warbixin welwel xambaarsan ayaa daaha ka rogrysa in Xoogaga Maamulka Puntland u xil saaran ilaalada Xeebaha loona yaqaano (PMPF) ay bilihii ugu dambeeyay ku lug lahaayeen Afduubka Maraakiibta Xamuulka, waxaana u dambeeyay Maraskiibta MV Ruen MV Abdallah kuwaasoo lagu heystay xeebaha Gobolka Nugaal…

Xogtaan ayaa xaqiijisay in Kooxda Burcad badeeda la qabtay ay tiradoodu dhameyd 38-Xubnood, waxeyna ku guda jireen sidii Maraakiib kale u soo qafaalan lahaayeen, sida laga soo xigtay Saraakiil India u dhashay, iyafoo uu markabkaan yu gacanta Kooxda Burcad badeedka Puntland sy heysteen ilaa bartamihii December 20223-dii.

Ciidamada Badda India ayaa hareereeyay Burcad badeedka saaran Markabka MV Abdallah waxaa loo qabtay 24-saac iney ku dhiibaan, arrintaan ayaa ku soo beegmeysa kadib markii Xoog loo adeegsaday Burcad badeedkii saarnaa Markabka MV Ruen, waxaana howlgalkaasi lagu dhaawacay 6-ka mid Kooxda Afduubtay Markabka.

 Maamulka Puntland ayaa la daalaa dhacaayay Dhaqaale xumo baahsan, bixinta mushaaraadka Ciidamada iyo Shaqaalaha rayidka ah, kadib markii ay xiriirka u jartay Dowladda Federaalka. Waxaa ceeb ah iney in badan ku tiirsanayeen taageerada Dowladda Federaalka. Ciidamada Badda Puntland ee loo yaqaan PMPF oo ay tababareen Imaaraatka Carabta ayaa intoodii badneyd u xuub siibtay burcad badeed si ay nolol maalmeedkooda u helaan, Codka la faafiyay ee xaqiijinaya ku lug lahaanshahooda ayaa ah mid naxdin leh, Iyadoo Agaasimaha PMPF loo magacaabay wiil uu dhalay Madaxweynaha Puntland Deni.

315590cookie-checkMaxaa Dib u Soo Nooleeyay Burcad badeedka Degaanada Puntland..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com