Carwada Cunooyinka Oo Lagu Qabtay Dubai..

Business

Somalia ayaa sannadkii 4-aad oo xiriir ah ka qeyb gashay bandhiga caalamiga ah ee carwada cunnooyinka caalamka lagu farsameeyo iyo kheyraadka uu dalba leeyahay, taasoo lagu qabtay magaalada Dubai ee iskutagga imaaraatka Carabta.

Sannadkaan, Somalia waxay bandhigaas uga qeyb qaadatay cuntooyin uu dalkeennu caanku yahay oo ay kamid yihiin,  Muuska, Sisinta, Basbaaska iyo kalluunka, waxayna soo jiiteen indhaha ganacsato maalgashadayaal ah.

Sharkado dalal shisheeya ah ayaad aad u xiiseynayey kheyraadka dalka Soomaaliya. Waxayna qaarkood u muuqdaan in ay heshiisyo kala saxiixandoonaan sharikadaha Soomaaliyeed ee ka soo qayb-galay carwadaan bandhiga cuntada ee Gulf Food Show.
Bandhig carweedkaan sanadlaha ah oo sanadkiiba mar la qabto ayaa ah kan ugu weyn dunida ee lagu soo bandhigo cuntooyin kala duwan oo laga keenay dunida daafaheeda.

Shirkaddo badan oo Soomaaliya ayaa sanad walba uga faaidaysta in ay wax soo saarkooda ganacsi kusoo bandhigaan suuqaan oo ay iskugu yimaadaan shirkado kala duwan, oo isagu jira kuwa wax iibinaya kuwo wax iibsanaya, maalgashadayaal, iyo shirkaddo dhiiro gelinaya badeecadaha, rabana iney kor qaadaan wax u dhoofinta.

17450cookie-checkCarwada Cunooyinka Oo Lagu Qabtay Dubai..