Hoteellada Liido Oo lagu amray In la Xiro

Business

Maamulka Gobolka Benadir oo xalay Kulan ay yeesheen uga doodeen qaabka looga hortagi karo Cudurka saf-mareenka ah ee Covid-19, wuxuuna ka dhacay xarunta degmada Shangaani….

Shirkaan oo ay kasoo qeyb-galeen wasiir ku-xigeenka wasaaradda Awqaafta iyo Diinta, guddoomiyaha guddiga Qaran ee Abaabulka iyo  Wacyigelinta ayaa waxaa looga hadlay caabuqa Covid-19 oo dhibaato xoogan  ku haaya dunida.

Duqa Muqdisho ayaa inta uu shirka socday amray in la joojiyo isku imaatanka Bulshada si loogu fogaado wax weliba oo keeni kara caabuqa Covid19 oo ah mid si fudud la isaga qaadi karo taabashada iyo Neefta, asigoo carabka ku adkeeyay maqaayadaha iyo Hoteelada ku yaala Liido oo bulshada si aad ah isugu yimaadaan.

Duqa Muqdisho ayaa sidoo kale faray Bulshada in ay u hogaansamaan fariimaha Wacyigelin ee wasaarada caafimaadka iyo waaxda caafimaadka ee  dowladda Hoose ee Xamar, Iyadoona ay si wadajir ah Barnaamijyada  wacyigelin ay iska kaashan doonaan Wasaaradda Caafimaadka, wasaaradda  diinta iyo Awqaafta, guddiga Qaran ee abaabulka iyo wac-yigelinta iyo  maamulka Gobolka Banaadir.

25050cookie-checkHoteellada Liido Oo lagu amray In la Xiro