Ciidamada Dowlada Oo Is-Rasaaseeyay

Politics

Waxaa sii kordhaya Is/rasaaseynta u dhaxeysa ciidamada Dowlada kuwaasoo ku dhex dagaalada gudaha magaalada Muqdisho iyo daafaheeda, waana Caalamadaha burburka dowladnimo, marka askariga qoriga haystaa uu ciddii uu doono ku dhaco, boobo, ama uu dilo sida haddaba dhacday…..

Warar is khilaafsan ayaa ka soo baxaya sababta dhalisay is-rasaaseynta, Wararka qaar waxay sheegayan in labada ciidan ay kala shakiyeen, warar kalana waxaa ay sheegayan in Ciidamada Militariga ay rasaas ku furayn gaari ay la socdeen kuwa Boliiska, sidaana uu dagaalku ku bilowday.

Labada dhinac ayuu dagaalka xoogiisu ku dhex maray xaafadda Soona Key (ZONE K), waxaana dagaalka ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh.

Ilaa afar askari oo labada dhinac ah ayaa dagaalka ku dhintay, iyadoo tiro kalana ay ku dhaawacantay, waxaase jira warar khasaaraha intaa ka badinaya.

Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in askarta dagaalka lagu dilay uu ka mid yahay Daahir Sheekh Axmed, oo ka tirsanaa Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka, gaar ahaan Qaybta 21aad, waxaana si weyn looga garanaayay Soona Key.

Falalkaan noocan ah ayaa ah calaamadaha burburka, iyadoo xiligaan uu yahay mid kala guur ah, Maamulka Farmaajo Oo muddo xilkeedu gabaabsi yahay, ayaa u muuqata iney iska indha tireyso dhacdooyinka noocaan oo kale ah, hadii aan xal deg deg ah laga Gaarin, waxayna dhali doonaan falal kuwan ka naxdin badan.

34070cookie-checkCiidamada Dowlada Oo Is-Rasaaseeyay