Xeer Ilaaliye Ay Afduubteen Ciidamada Madaxtooyada

Politics

War Deg deg ah:- Faahfaahin hordhaca ah ayaa laga soo sheegaya Afduub iyo xarig sharci darro ah oo ay kula kaceen Kuxigeenka Xeer ilaaliyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida iyo qoyskiisa Dabley ka tirsan Madaxtooyada, kadib markii uu amar ay afduubka Mr.Farmaajo….

Xogtaan ayaa Diinah.com u xaqiijisay in Shalay Galab abaarihii 16,30 daqiiqo, ayaa Kuxigeenka Xeer Ilaaliyaha guud ee Ciidamada G/Dhexe Keyse Maxamed Muuse ay gurigiisa oo ku yaal xaafada Ex-fiore (Sheekh Suufi), ugu tageen Koox Dabley hubeysan oo ka tirsan Madaxtooyada, waxeyna u geysteen jirdil iyo afduub qoyska Sarkaalka iyo Caruurtiisa, iyadoo aan ilaa hadda la ogeyn Xaaska iyo Caruurta meesha ay ku dambeeyaan nolol iyo geeri,waxeyna xalay ku xireen Madaxtooyada, iyagoo saakay u wareejiyay Xabsiga CID ee Magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in Mr.Farmaajo uu bixiyay amarkaan xariga, iyadoo la sheegay in Haweeney ku beel ah ay sheegatay lahaanshaha Guriga uu degan yahay Xeer Ilaalinta, waxeyna ku dooday in guriga uu siiyay Adeerkeed Maxamed Siyad Barre.

Falalka Ka baxsan Dastuurka iyo Sharciyada Dalka ee Uu ku dhaqmaayo Mr.Farmaajo ayaa kordhay, iyadoo in ka yar mudada xil heyntiisa ay ka harsan tahay 269-maalmood, wuxuuna Maleeshiyaad ku beel ah ku xareeystay Madaxtooyada, kuwaasoo dhibaato weyn ku haya Dadka rayidka ah.

34010cookie-checkXeer Ilaaliye Ay Afduubteen Ciidamada Madaxtooyada