Xalay saq dhexe waxaa Magaalada Muqdisho weerar lagu qaaday ilaalada Madaxweynayaashii hore kuwaasoo ku sugnaa Agagaarka Hoteelka Maa’ida Ee Magaalada Mogadishu Waxaa lana ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac kaasoo soo kala gaaray labada dhinac…
Musharixiinta ayaa Maamulka muddo xileedkiisu dhamaaday ku eedeeyay inay weerartay Hotel Maa’ida oo ay degen yihiin Madaxweynayaashii hore Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh sidoo kale waxaa degen Shariif Xasan, Ciidamada weeraray Hoteelka ayaa la sheegay iney laba jiho ka soo weerareen isla markaasna tiro ilaalada dileen.
Xasan Sheekh Maxamuud oo Warbaahinta la hadlay iska hor imaadka kadib ayaa nasiib darro ku tilmaamay in ciidanka Qaranka loo adeegsado sida uu hadalka u dhigay.
“Dibadbaxa nabadeed wuu dhacayaa maanta, waxaa kaliya kusoo kordhay in ciidanka Dowladda ay xabadeeyeen oo ay soo weerareen hoteelka aan degenahay oo hubka loogu talagalay Al-Shabaab nalagu soo weeraro” Sidaasi waxaa yiri Xasan Sheekh Maxamuud.
Wasaaradda Amniga qoraal kasoo baxay isla markaana lagu daabacay Barta Facebook ee Teleefishinka qaranka ayaa lagu sheegay in iska hor imaadkaas uu u dhaxeeyay Ciidanka Dowladda Federaalka & Maleeshiyaad saacadihii lasoo dhaafay abaabul xooggan ka sameyneysay Caasimadda sida qoraalka lagu yiri.
“Malleeshiyaad hubaysan ayaa caawa saacadda markay ahayd 1dii habeenimo (1am)soo weeraray baraha Ciidamada Qalabka Sida ay ku leeyihiin qaybo kamid ah Caasimadda Muqdisho.