Wararkii Ugu Dambeeyay Xaalada Mogadishu

Somalia news

Xaalada Caasimadda Mogadishu ayaa saakay ku waabariisatay xaalad cakirnaan ah, kadib markii xalay saqdii dhexe Uu Ciidamada Dowladda Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo weerar ku qaaday Xaruntii Dhexe ee Abaabulka Banaanbaxa, taasoo ka dhalatay khasaare dhimasho iyo dhaawacyo isugu jira…

Wararka Ayaa sheegaya in Ciidamo iyo Gaadiid dagaal ayaa la dhigay inta badan Isgoeyada Magaalada Mogadishu, iyagoo sidoo kale go’doomiyay Hoteelka Maa’ida ee ay ku sugan yihiin Madaxweynayaashii Hore Ee Somalia.

Ilo wareedyo Ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijiyay in Dadka socotada ah la hubinaayo Ee ka gudbaaya Wadooyinka Magaalada, waxaana la joojiyay dhaqdhaqaaqa Gaadiidka isaga dhex socon jiray. Talaabadaan oo u muuqata dhaqan kali talisnimo.

Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo ayaa xerayaha ka soo saaray Ciidamada ay tababareen Turkiga kuwaasoo loo kala yaqaano Gorgor iyo Haramcad, waxaana lagu xoojiyay Ciidamada Boliiska Dableyda Madaxtooyada kuwaasoo weerar toos ah ku qaaday Hoteelka Maa’ida.

Caburintaan iyo Kali talisnimada ayaa u muuqata mid dhabaha u xaari doonta Banaanbaxyo joogto noqda, dagaal ku dhufo oo ka dhaqaaq ah iyo xasilooni darro bar ku noqota Xiriirka mustaqbalkiisa Dalalka Turkiga iyo Qatar Iyo Saameynta Siyaasada ee Farmaajo.

95990cookie-checkWararkii Ugu Dambeeyay Xaalada Mogadishu