Sida qorshu yahay waxaa todobaadkaan lagu wadaa inuu bilaawdo baaritaan 3-Geesood ah ( Somalia, Kenya iyo Ethiopia), iyo khubaro Caalami ah oo ku xeel dheer shidaalka diyaaradaha ku sameeyay shilkii diyaaradeed ee duleedka magaalada Berdaale oo 60-km u jirta magaalada Baydhaba…..
Iyadoo la kaashanaayo macluumaadka la xiriira Sanduuqa Madow iyo Kan codka duuba, si loo ogaado daqiiqadihii ugu dambeeyay wada sheekeysiga Duuliyaha iyo Saraakiisha hageysay diyaarada, qodobadaan ayaa la filayaa iney jawaabo u helaan :-
-Sida loo soo riday
-Is-difaaca Ciidamada Ethiopia
-iyo Qodobo kale
Goobo jooge lagu gabacaabo Weedow Cali Xasan ayaa ka sheekeeyay sida Wax u dhaceen, wuxuuna sheegay in xiliga ay soo dageysay Diyaaradda ayaa wadada waxaa taagnaa Gaari Zuu 23-mm oo ay leeyihiin Ciidamada Ethiopia, taasoo degista diyaaradda dib uu u dhigay Duuliyaha, kadibna waxaan maqalnay Rasaas, iyadoo 4-xabadood ay diyaarada ay ku dhaceen halka xabad kale ay hawada ku qaraxday.
Warar kale ayaa sheegaya in Dameer uu soo galay Wadada ayna Duuliyaha ku qasabtay inuu mar kale isku dayo inuu soo degto, kadibna ay rasaaseeyeen, Askriga ( Gaandheriga) ayaa la sheegay inuu ka tirsan yahay Ciidamada Ethiopia oo aanu ka mid aheyn kuwa Amisom.
iyadoo Magaalada Berdaale ay ka mid tahay 3-da magaalo (Baardheere iyo Buurhakabw) ay joogaan Ciidamo Ethiopian ah oo aan u diiwaan gashaneyn Amisom iyo UN-ka.
Maamulka Farmaajo ayaa ku adkeystay in Ciidamadaasi ay ku joogaan Dalka Heshiis aan la faahfaahin oo dhex maray Mr.Farmaajo Mr.Abiy, iyadoo aan la marsiinin Golayaasha Sharci dejinta, waxeyna dalka ku joogaan sharci darro.