Kulan Waxbarashada Looga Hadlaayo…

Uncategorized

Shirka aan loo dhameyn oo wadatashiga siyaasada waxbarashada dadban ahaa ka furmay magaalada Muqdisho halkaasoo ay isugu tageen Maamulka Villa Somalia iyo Qaar ka mid ah dowlad goboleedyada iyo hay’addaha taageera waxbarashada Soomaaliya.
Wadatashiga Siyaasada waxbarashada dadban, ayaa ah mashruuc lagu taageerayo hubinta saddex illaa shan milyan oo carruurta Soomaaliyeed ah oo aan helin waxbarashadii ay mudnaayeen.

Agaasimaha guud ee waxbarashada Soomaaliya, Axmed Xasan Yuusuf, ayaa sheegay 77% carruurta Soomaaliyeed in aysan helin fursad waxbarasho ayna dowladdu 30 sano kadib dib u eegayso heerarka kala duwan ee waxbarashada dhallaanka Soomaaliyeed.

Agaasimuhu waxaa uu sheegay Puntland iyo Somaliland oo aan shirkaan ka qeyb galin inay horey qorshayaashaan uga hirgaleen degaanadooda, hadana ka dowlad ahaan ay doonayaan in la mideeyo siyaasada horumarinta waxbarashada ubadka Soomaaliyeed ee soo koraya.

15420cookie-checkKulan Waxbarashada Looga Hadlaayo…