Ciidamada Jubbaland iyo Kuwa Farmaajo Oo Ku Dagaalamay

Politics

Wararka naga soo gaaraya Magaalada B/Xaawo ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in is-Rasaaseyn xoogan ay Shalay dhex martay Ciidamada Jubbaland iyo Kuwa Maamulka Farmaajo, kaasoo ka dhashay khasaare aan la cayimin….

Iska Horimaadkaan ayaa la sheegaya inuu ka dhacay nawaaxiga xadka Somalia (Qeybta) iyo Kenya, gaar ahaan inta u dhaxeysa BB1 iyo Xaafada Amiin Ee degmada B/Xaawo, waxaana la isku adeegsaday hubka fudud iyo boobsyaasha culus, iyadoo uu jiro khasaare soo kala gaaray labada dhinac.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada Jubbaland Oo Ku sugan BB1 ayaa la sheegay iney soo weerareen kuwa Maamulka Farmaajo kuwaasoo sahan ahaa, inkastoo aan si rasmi ah loo ogeyn dhinaca bilaabay, Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Xoogaga Farmaajo ay wehliyeen Dabley Oromada Addis Abeba ka tirsan.

Ilaa haatan ma jiraan warar faahfaahsan oo ka soo baxay dhinacyadaan isku heysta gacan ku heynta Magaalada B/Xaawo, horaantii Sanadkaan ayeey aheyd markii ay ku dagaalameen darafyadaan gudaha Magaalada B/Xaawo ee Gobies Gedo.

29380cookie-checkCiidamada Jubbaland iyo Kuwa Farmaajo Oo Ku Dagaalamay