Khilaafka & Muranka Hanaanka Doorashada Puntland oo Horseedi karta Dagaal Sokeeye Hadii aan…

Somalia news

Warar is xambaarsan oo isugu jira Kulamo wadatashi iyo cabsi abaabul dagaal sokeeye kana dhashay muran ka taagan masraxa siyaasada Puntland, kuna aadan nooca doorashada ee degaanada ka dhici kara si nabad ah, iyadoo uu Maamulka Dani ku adkeysanaayo meel marinta hanaanka uu dejiyay ee doorashada lagu muransan yahay…

Waxaa jira cabsi xoogan oo ku aadan in sabab u noqdo in lagu guuldareysto isku day kasta oo xal lagu gaari karo, wadadana u furi kara in dhiig daata iyo dagaal sokeeye, burbur iyo xaq, iyadoo la sheegay in xaalka taagan ay sii fogeeye Xisbiyada Beeleysan ee (Sincad, Ifiye & Mustaqbal) taageersan Maamulka Deni oo taageeray hadana ku baaqay in la qabto doorasho Barlamaani ahi.

Xurgufta iyo is-mari waaga taagan ayaa xudintooda waxey tahay nooca doorasho iyo doorka Dadku ku leeyihiin hanaanka Doorashada ee wadar oggolka ah, nasiib darro ilaa hadda ma jiraan ifafaale muujinaaya wax heshiis lagu yahay marka lagu daro abaabulada sida hoose u socda iyo diyaar garowga dhinacyadaan oo la saadaalinaayo iney ku dhex dagaalamaan magaalooyinka Boosaaso iyo Garoowe.

Dhanka kale, Waxgaradka iyo Dadka Samaha jecel ee degaanka ayaa walaac iyo welwel ka muujiyay saameynta Khilaafka siyaasadeed ee doorashada ku yeelan karo nolosha Shacbiga, iyagoo u arka dariiqa kaliyah ee xal nabadeed lagu gaari karo uy yahay in la qabto doorashada wakhtigeeda iyo heshiisna lagu yahay.

287910cookie-checkKhilaafka & Muranka Hanaanka Doorashada Puntland oo Horseedi karta Dagaal Sokeeye Hadii aan…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com